29 Sept 2026, 18:26 UTC168 views9 reactionsread 30 September 2026 Dalka lacagtiisii waxaa gacanta ku haya Hormuud. Hormuud intay shiiday ayay xogtayadii ay haysay iibsatay si ay lacag uga samaysato. Meel ay mulkiilayaashii Hormuud musalafeen, laftaydana inay sii gadaan ay marayaan.
Xaggee anigu joogaa? Waxa iigu daran, xogtayda waxay ka iibiyeen supermarket-yada waaweyn isbitaalada iyo jaamacadaha.
Markaasay igu hayaan carruurta, dharkooda baa discount ku jira.
🤣5😁3👍1
Signed Abdulkadir Uukow
29 Sept 2026, 17:47 UTC234 views4 reactionsread 30 September 2026 September
September waxay timid iyadoo u eg bil caadi ah, balse markay iga sii dhammaanaysay waxaan ogaaday inaysan caadi ahayn. Waxay ahayd bil qalbigayga wax badan ku dhacayeen, iyadoo maalmaheedu mar qosol ii keeneen, marna fikir iyo xusuus aanan cidna la wadaagin.
Waxay ahayd bil aan wax badan aamusay, balse gudaha aan sheeko dheer ku waday. Wax aan waayay ayaan xusuustay, wax aan rajaynayay ayaan sugay, wax aa…
🔥3👍1
Signed Abdulkadir Uukow
29 Sept 2026, 06:21 UTC423 views6 reactionsread 30 September 2026 Sheekadii Hanad iyo Hibo Qeybta 1aad
Salaan diiran saaxiibayaal. Waxaan idiin bilaawnay taxane sheeko cusub oo aad u xiiso badan, kaas oo si maalinle ah uga bixi doona Website-ka Uukow.com iyo App-ka Uukow Media.
Taxanahan cusub wuxuu xambaarsan yahay jacayl, kalsooni, khiyaano, qoomamo iyo dhacdooyin lama filaan ah oo akhristaha ka dhigi doona inuu mar walba sugo qaybta xigta.
Taxanaha waxaa loogu magac daray “Han…
🔥5👍1
Signed Abdulkadir Uukow
28 Sept 2026, 19:49 UTC498 views7 reactionsread 30 September 2026 Si miir la'an ah bey usocota iyado udeg degaysa dhagax gidaar koone ah yaala saanta dadkuna ku yartahy dariiqas, waa goobti ay nasinada uso donan jirte mrka mashakilku cidhiidhiyo maskaxdeda, dhagaxas yari isha dadku wuxu ula muqda uun dhagax lamida dhagxanta kle balse iyadu "waa u wehell dhabtisu ay ku nasato"
waxa intaa u dheer book note kedi yara oo xambarsan ereyo iyo hadalo uu afkedu qeexi waye balse qalinkedi…
❤4🔥3
Signed Abdulkadir Uukow
28 Sept 2026, 17:41 UTC576 views4 reactionsread 30 September 2026 Nin Faqri ah ha guursanina mise ?
Faqrigu ma yahay dhibka ugu weyn ee guurka? Qormadan waxay ka hadlaysaa farqiga u dhexeeya faqri iyo masuuliyad-darro, iyo waxa muhiimka ah ee lagu qiimeeyo qofka guurka lala gelayo.
Haddii aad rabto inaad akhrido qisadan oo dhammaystiran iyo faahfaahinta murugada leh ee ku xeeran waraaqdan, fadlan link-ga hoose ka akhriso.
https://www.uukow.com/2026/09/28/nin-faqri-ah-ha-guursani…
👍4
Signed Abdulkadir Uukow
27 Sept 2026, 18:05 UTC768 views14 reactionsread 30 September 2026 Sideen kuugu sheegaa inaan kuu xiisay? 🥺💔
Mararka qaar erayadu way iga yaraadaan, qalbiguna wuxuu hayaa wax badan oo aanan si fudud u sheegi karin.
Waxaan u xiisay wejigaagii, codkaagii, iyo hadalladii aan maalin kasta si joogto ah u maqli jiray.
Waxaan u xiisay waqtiyadii ay hadalladaadu maalintayda macne siin jireen, xitaa haddii ay ahaayeen sheekooyin yar-yar oo aan markaas muhiimad weyn siin jirin.
Waxaan u …
❤14
Signed Abdulkadir Uukow
27 Sept 2026, 07:47 UTC821 views8 reactionsread 30 September 2026 Dagaalkii wuu dhammaaday Laakiin ?
Mararka qaar dagaalku ma dhammeeyo nolosha qofka oo keliya, balse wuxuu sidoo kale la tagaa riyooyin, ballamo iyo mustaqbal uu qofku qalbigiisa ku sawirtay. Waraaqdan yar waxay xambaarsan tahay sheeko murugo leh oo ku saabsan askari habeen ka hor dagaalka ku riyooday inuu dib ugu laabto gabadhii uu jeclaa, guursado, nolol cusubna la bilaabo. Hase yeeshee, dagaalku wuxuu beddelay dh…
❤8
Signed Abdulkadir Uukow
26 Sept 2026, 14:50 UTC927 views10 reactionsread 30 September 2026 "Calafkoo iskeen badoo,
Ceesh laygu kaa daro,
Cosob iyo dhul baadlaan,
Cagahaaga dhigi laa".
Dhowaan markii ay noloshu ina kulmiso, kolka aynnu inanyahay ceesh-wadaaga noqonno ee calafku iskeen raacsho, hareertaada ayaan ku furi doonaa hayaankii dedaalkayga.Horeba halkaan ayuu geedigayga nololeed ku fool lahaa; dartaa baan inanyahay in badan isu dib-dhigi jiray. Helistaada iyo hanashadaada ayaan in badanba ku hawlan…
❤6👍4
Signed Abdulkadir Uukow
25 Sept 2026, 17:20 UTC983 views8 reactionsread 30 September 2026 Bilic ayaa kuu dhiman weli, hadaan weli ku noolaan meel baadiye ah oo magaalada ka fog, qurux ma aadan arkin hadaadan weli arkin (balli, war, togag rogmanaya) oo inta uu roobka biyo dhigay dhinacyada ha ka hareeyeen geedo intey kor u baxeen caleemo soo laad-laadidiyay, cawska dhulka ka baxayna uu midba midab leeyahahay, sidoo kalana midba walba ur gaar ah leeyahay.
Ma wax aad ka sheekeyso ayaad heysaa hadaadan weli …
❤8
Signed Abdulkadir Uukow
24 Sept 2026, 18:52 UTC≈1,120 views13 reactionsread 30 September 2026 Ma jeclaan lahayd in marka dadku ku arkaan, wejigooda ay ka muuqato farxad ay dhab ahaan kuu qabaan? In qofku kuu dhoola cadeeyo, kuu soo dhowaado, dabadeedna uu laabta kugu soo dhaweeyo, adigoo dareemaya in soo dhowayntiisu aanay ahayn edeb keliya, balse ay tahay dareen qalbigiisa ka soo baxay?
Ma jeclaan lahayd dadka marka aad la hadlaysid si dhab ah kuu dhegaysta, aan hadalkaaga u qaadan erayo hawada ku lumaya, b…
❤13
Signed Abdulkadir Uukow
24 Sept 2026, 02:20 UTC≈1,180 views8 reactionsread 30 September 2026 Subax kasta markaan indhaha kala qaado, ma aha oo keliya inaan hurdada ka soo tooso… waxaan la kacaa nolol dhan. Waxaan la kacaa fikirro aan habeenkii seexan, rajooyin aan weli rumoobin, iyo su’aalo badan oo qalbigaygu jawaab u raadinayo.
Mararka qaar sariirta ayaan xoogaa ku sii nagaadaa, anigoo is weydiinaya: “Ma maanta wax baa is beddeli doona?” Laakiin jawaab cad ma helo. Haddana waan kacaa, wajigaygana waxaan k…
❤8
Signed Abdulkadir Uukow
23 Sept 2026, 15:50 UTC≈1,210 views5 reactionsread 30 September 2026 "Tolaayeey !" Waa ereyga uu sida ba'an ugu qaylinayo. Labada gacmood dhiig baa ka tifiq leh. Wejiga labadiisa koodna mid baa saa'id u dheer. Kabta uu xidhan yahay maahee ta kale wuu laalaadinayaa. Boodhka iyo nabarrada ka muuqdaa, waxa ay muujinayaan sida xun ee loo dilay. Dadkii maqaaxida oo dhanbaa dhankiisi wada daymooday. Kursigii uu walaalkii Deeq fadhiyay buu dul joogsaday isaga oo leh:
" Aar kaalay ragga iga …
❤5
Signed Abdulkadir Uukow
Showing the 12 most recent of 107 posts we hold for @XikmadoSom. View and reaction counts are the latest single reading for each post, not a live figure, and a recent post is still accumulating both. A view count marked ≈ was rounded by Telegram before we ever saw it — t.me prints views in full below 1,000 and to three significant figures above, so ≈1,200,000 means somewhere between 1,150,000 and 1,249,999. Unmarked counts are exact. Text is reproduced from the public post preview and truncated for length.