25 Aug 2026, 11:39 UTC367 views8 reactionsread 29 August 2026 Photo
Waxaan talo u jeedinayaa qof kasta oo caafimaadka bartay kuna shaqeeya:
Xirfadda caafimaadku ma aha oo keliya aqoon iyo xirfad aad ku daaweyso bukaanka; waxay sidoo kale u baahan tahay naxariis, dulqaad, waji-furnaan iyo hadal wanaagsan.
Bukaanku wuxuu kuu imaanayaa isagoo xanuunsan, cabsi qaba, walwal badan ama qalbigiisu culays dareemayo . Sidaas darteed, wejigaaga, codkaaga, erayada aad doorato iyo sida aad ula d…
👍7👏1
Signed ❤️asia casayr👸
20 Jul 2026, 05:21 UTC≈1,670 views28 reactionsread 29 August 2026 Photo
Ma arko wax noloshan uga muhiimsan qoyska. Ma jiro wax ka qiimo badan in ay caafimaad qabaan oo ay nabad ku jiraan. Haddii ay iyagu wanaagsanaadaan, wax walba way hagaagaan. Maalin kasta waxaa sii kordhaya rumaysnaantayda qiimaha qoyska. Dhacdo kasta oo aan arko waxay ii xaqiijisaa in ciidanka keliya ee uu qofku leeyahay uu yahay qoyskiisa.
Qofku qoyskiis la'aantiis wuxuu dareemaa tabar-darro iyo cidlo. Qoysku waa ho…
❤26👍2
Signed ❤️asia casayr👸
5 Jul 2026, 09:47 UTC≈1,990 views6 reactionsread 29 August 2026 Prt2
Mararka qaarkood qofku isagoo aan dareemin ayuu qaataa dhaqamadii iyo hab-dhaqankii uu ka arkay waalidkiis. Dad badan ayaa markii dambe ogaada inay noqdeen sidii hooyadood ama aabbahood iyagoo aan ogayn. Tusaale ahaan, qofkii ka xumaan jiray sida loo maamulo ama loo ciqaabo isagoo yar, mararka qaar isagii ayaa isla dhaqankii ku celinaya carruurtiisa.
Sidaas darteed qofku waa inuu si joogto ah uga warqabaa wixii…
❤6
Signed ❤️asia casayr👸
5 Jul 2026, 09:46 UTC≈1,810 views3 reactionsread 29 August 2026 Photo
Sirta guusha nolosha waa inaad si miyir leh u fahamto nolosha aad ku nooshahay. Ha u noolaan si caadi iska ah adigoon fikirin. Qofku waa inuu marka hore ka fikiraa noloshiisa iyo qoyskiisa: sidee ayay u noolaayeen hooyaday iyo aabbahay? Maxay ahaayeen khaladaadka xiriirkooda? Maxaa sababay furriin, kala fogaansho ama dhibaatooyin qoys?haday aabe iyo hooyo is qabaan is waydii xidhiidhkooda waa sidee maxaa ka khadan ha…
❤3
29 Jun 2026, 17:09 UTC≈1,740 views22 reactionsread 29 August 2026 Photo
“Nabiga ﷺ wuxuu sheegay in marka aad Ilaahay wax waydiisanaysaan aad waydiisataan Jannada ugu sarraysa ee Firdowska.
Sidaas darteed, marka aad Ilaahay wax baryaysaan, ha isku yaraynina waxaad codsanaysaan. Ilaahay wax walba waa awoodaa. Hamigaaga iyo rajadaadaba ha yaraynin; wax weyn waydiista, qalbi rajo iyo yaqiin lehna Ilaahay la hortaga.”
Ducadu waxay leedahay dariiqyo saxan oo loo mari ay ka mid tahay inaad il…
❤20👍2
23 Jun 2026, 03:57 UTC≈1,700 views16 reactionsread 29 August 2026 Waxaynu ku jirnaa maalmo leh xurmo iyo qaddarin gaar ah... waxaan ku jirnaa bil xurmaysan, bilahaas xurmaysanna waa xuduud uu Alle xarrimay.
Dambiga iyo dayacaadda bisha Muxarram gudaheeda culayskooda iyo dhibtoodu way ka sii weyn yihiin waqtiyada kale ee sanadka. Aragti xaaraan ah, salaad dayacid, fadhi xanta iyo xumaanta lagu sheekaysto — dhammaan waa dembiyo khatartoodu sii weynaan karto waqtiyada xurmada leh.
Al…
❤15👏1
19 Jun 2026, 06:58 UTC≈1,820 views31 reactionsread 29 August 2026 Photo
Waxaan sawirkaan saaray channel-kaan 2021; ilaa hadda wuu saaran yahay. Prof. Saalax Jaamac Xuseen, waxaan ahaa ardaydii aadka wax uga dhegeysan jirtay waagii aan falsafada aadka u xiiseyn jirey. Hadda inaan akhriyo xitaa waan ka xanaaqaa.
Inaan caqliga isticmaalo xitaa faduul baan u arkaa.
Eebe ha u naxariisto Prof. Saalax Jaamac Xuseen.
Waxaan isku dayi doonaa inaan kusoo laabto Badweyntaas idinkuna aad wax iga f…
❤27👍3🥰1
18 Jun 2026, 04:50 UTC≈1,710 views14 reactionsread 29 August 2026 Photo
Nabad galyo korkiina ha ahaato 🌱
Mid ka mida dhanbaalada buugan baa odhanaya sidan
Dad badan ayaa naftooda ku waaya waqtiga ay dayacaan iyo inay ku mashquuli waayaan hagaajinta naftooda. Sidaas darteed waxay la mid noqdaan dadka badankood ee naftooda iyo noloshoodaba khasaaray, sababtoo ah ma aysan doonayn inay is saxaan.
Tani waxay waafaqsan tahay
Hadalkii odhanayey
"Haddii aadan naftaada ku mashquulin xaqa, baa…
❤14
6 Jun 2026, 08:05 UTC≈1,760 views34 reactionsread 29 August 2026 Photo
﴿وَلَا يَلْتَفِتْ مِنْكُمْ أَحَدٌ﴾
"Midkiinna yuusan dib u
jeesan."
Ula dhaqan xiriirrada dhammaaday sidii qabuuraha oo kale;
qabuurahana lama qodo dib loogumana noqdo!
Qofkii gadaashaada maray, gadaashaada ha ku haro.
Ha noqon maxbuuskii wixii tagay.
Ha ka tegin albaab yar oo furan, si uusan kuugu dhalin rabitaanka inaad dib ugu noqoto.
Dagaallada iyo murannada aan faa'iidada lahayn way ku daaliyaan oo tamartaada w…
❤30🥰4
5 Jun 2026, 15:26 UTC≈1,460 views17 reactionsread 29 August 2026 Mar kasta uu fikir kuula muuqdo midka kaliya ee saxda ah, tan u qaado calaamad cad oo tusinaysa inaadan fikirkaas wax badan ka ogeyn ama aadan si fiican u fahansanayn. Fikirka maaha inaad nacdid ama aad jeclaatid, ee waa inaad saarto halbeeg, si aad u baartid si caddaalad ah, eex la'aan, oo aad u gaadhid Xaqiiqda .
@mrxoosh
❤17
3 Jun 2026, 08:40 UTC≈1,730 views23 reactionsread 29 August 2026 {كَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِ خُبْرًا}
Sidee baad ugu samri kartaa wax aadan aqoon buuxda u lahayn?
Way ku adag tahay bini’aadamka, caqligiisa xaddidan iyo qalbigiisa walwalsan, inuu fahmo wax kasta oo ku dhacaya. Inuu garto xikmadda ku duugan dib-u-dhac daaliyay, murugo qalbigiisa cuslaysay, ama imtixaan u yimid isaga oo aan garanayn sababta uu u yimid.
Annagu waxaan aragnaa oo keliya qayb yar oo s…
❤23
15 May 2026, 17:17 UTC≈2,070 views24 reactionsread 29 August 2026 Photo
Way soo dhow yihiin maalmihii ilaahay aduunka u jeclaa una fadli badnaa aduunka kaliya waafajintu waa xag alleh ilaahay ha Ina waafajiyo kuwo ka faiidaystna ha inaga yeelo
Ha dhayalsanina maalmahan waxaa laga yabaa in ilaahay noloshaada ku quruxiyo xag kasta si gaar ah maalintii dahabiga hayd ee carafa ka faaiidaysta ducooyinka u diyaarsada naftiina u sii daahiriya is cafiya ilaahay u dhawaada doobad Keena sadaqo bix…
❤22👍2
Showing the 12 most recent of 20 posts we hold for @baraarujiawoodahaaga. View and reaction counts are the latest single reading for each post, not a live figure, and a recent post is still accumulating both. A view count marked ≈ was rounded by Telegram before we ever saw it — t.me prints views in full below 1,000 and to three significant figures above, so ≈1,200,000 means somewhere between 1,150,000 and 1,249,999. Unmarked counts are exact. Text is reproduced from the public post preview and truncated for length.