14 Sept 2024, 16:00 UTC≈8,430 views50 reactionsread 16 August 2026 Asc walaalyaal ka raali noqda inta aan warkii halkaan kuso baahin jiray aan Kala jaray arimo igu yimi darteed waxan idin Wadaa Page Facebook ah o wiil leyahay wararkana uu marwlba so gasho kalana socon kartan wararkii udambeyay ee bariga dhexe
https://www.facebook.com/IimanJaama?mibextid=LQQJ4d
Link ku dhafo Mahadsanidiin
👍32❤18
3 Sept 2024, 19:06 UTC≈8,630 views22 reactionsread 16 August 2026 Iran ayaa dil toogasho ku fulisay 45 qof bishii la soo dhaafay ee Agoosto, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay oo sidoo kale lagu soo bandhigay tirada dadka ay Tehran dilka toogasho ku fulisay sannadkan 2024 inay kor u dhaaftay 400 oo qof.
Fiiro gaar ah;
Iran , waxaa ka horreeya kaliya Shiinaha , marka laga hadlayo tirada dilalka toogasho dunidda oo dhan,iyadoo inta badan dadkan la toogtay la…
👍13💔5❤4
3 Sept 2024, 19:06 UTC≈7,420 views11 reactionsread 16 August 2026 Xuutiyiinta Yemen ayaan illaa hadda sheegin warka la xiriira inay weerarreen markab uu Sacuudiga leeyahay , iyadoo waxyar ka hor ciidanka Mareykanka ee ku sugan badda cas ay sheegeen Xuutiyiinta inay shalay weerar la beegsadeen markabka shidaalka qaada ee Sacuudiga oo lagu magaaco Amjad oo uu ka babanayay calanka boqortootadda Sacuudiga , wuxuuna siday ilaa labo milyan oo fuusto oo saliid cayrin ah.
Warsaxaafadeed u…
👍7😁2😢2
2 Sept 2024, 20:24 UTC≈4,710 views4 reactionsread 16 August 2026 Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen qayb ahaan hubkii ay u dhoofin jireen Israa’iil.
👍4
2 Sept 2024, 20:23 UTC≈4,700 views9 reactionsread 16 August 2026 Photo
Sawir ay baahiyeen guutooyinka hubaysan Xamaas ee Al Qassam, kaaso soo muujiyay xubnahooda ilaalinaya maxaabiista oo bastoolad gacanta ku heysta kuna sii socda maxbuuska, waxaana lagu soo qoray ; Cadaadis ciidan, natiijada ka dhalanaysa waa dhimasho iyo guul-darro, heshiis isdhaafsi , wuxuu la macno yahay xorriyad iyo nolal.
❤6👍3
2 Sept 2024, 20:22 UTC≈4,310 views9 reactionsread 16 August 2026 DEG DEG: Xamaas ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo la siiyay xubnaha ilaalinaya maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo gododka Qasa, hadda waxay si buuxda amar ugu qabaan inay dili karaan maxaabiista , mar kasta oo ay iskudayaan ciidanka Israa’iil inay xoog ku soo furtaan.
Hadal ka soo baxay afhayeenka garabka hubaysan ee Xamaas, Cubayda oo ay baahisay Al Jazeera ayaa lagu sheegay ; “Ku adkaysiga Netanyahu ee ah in ma…
👍9
1 Sept 2024, 07:38 UTC≈3,740 views3 reactionsread 16 August 2026 Xamaas oo warsaxaafadeed ka soo baxay uga hadashay 6 maxbuus ee saakay meydadkooda laga helay Rafah; “Waxaa mas'uul ka ah dhimashada maxaabiista waa qabsashada ku adkaysanaysa sii wadida dagaalka xasuuqa iyo maamulka Maraykanka sababtoo ah taageerada gardarrada.
Maxaabiista waxaa lagu dilay duqeynta Sahyuniyadda, Madaxweyne Biden, haddii uu daneynayo noloshooda waa inuu joojiyo taageerada uu u hayo cadowga, waxaan ka…
💔3
1 Sept 2024, 07:38 UTC≈3,460 views2 reactionsread 16 August 2026 Iran ayaa sheegtay inay jirto khatar amni oo gudaha ah , iyagoo ku eedeyay inay Israa’iil gudaha Iran ka abaabulayso kooxo khal-khal gelinaya amniga.
💔2
1 Sept 2024, 07:37 UTC≈3,400 views3 reactionsread 16 August 2026 Xamaas ayaa dishay 6 ka mid ah maxaabiista ay hayeen ka hor inta aysan ciidanka Israa’iil gaarin goobtii lagu hayo , sida u sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari.
6 maxbuus ayaa meydadkooda laga soo saaray god ku yaalla Rafah, mid ka mid ah ayaa ah Israa’iili- Mareykan ah. Warkan markii uu soo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Biden ayaa goor dhow sheegay inay ku bixinayaan dadaalkooda sidii heshiis loo …
👍3
1 Sept 2024, 07:37 UTC≈2,810 views3 reactionsread 16 August 2026 3 askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay weerar toogasho ah oo ka dhacay bar-kontorool oo ay ciidanka Israa’iil ku sugnaayeen oo ku taalla Tarqumiyah oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la heysto.
Fiiro gaar ah;
Weerarrada ka dhacaya Daanta Galbeed ayaa sare maray, iyadoo maalintii shanaad uu socdo duulaanka Israa’iil ee Daanta Galbeed.
👍3
1 Sept 2024, 07:37 UTC≈2,760 views5 reactionsread 16 August 2026 Israa’iil ayaa joojin doonto 8 saac duqeymaha iyo weerarrada ay ka geysato Qasa saddex maalin oo maanta ka billaabanaysa, si la mid ah Xamaas ayaan saacadahaa wax weerar ah qaadi doonin, sababo la xiriira in kooxaha caafimaadka ay gaarsiiyaan carruurta Qasa tallaalka cudurka dabaysha, iyadoo la filayo in ka badan 640,000 carruur reer Qasa ah in tallaalka lagu gaarsiiyo saacadahaa oo ka billaabanaysa 6 subaxnimo illaa…
👍4❤1
31 Aug 2024, 15:47 UTC≈2,780 views3 reactionsread 16 August 2026 40,000 oo qof ayaa ku tukaday shalay salaadda Jimcaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, sida ay sheegtay waaxda Awqaafta Islaamka ee Qudus.
Fiiro gaar ah;
Kooxaha midigta ee YH ayaa si weyn ugu dagaallamaya inay hoos u dhigaan Falastiiniyiinta galaya masjidka Al Aqsa , iyadoo sidoo kale duulaan ballaaran uu ka socdo qeybta bari ee Qudus, halkaa oo olole ballaaran oo Falastiiniyiinta ay hubka ku qaadanayaan uu ka socd…
👍2❤1
Showing the 12 most recent of 20 posts we hold for @falstiinsomaali. View and reaction counts are the latest single reading for each post, not a live figure, and a recent post is still accumulating both. A view count marked ≈ was rounded by Telegram before we ever saw it — t.me prints views in full below 1,000 and to three significant figures above, so ≈1,200,000 means somewhere between 1,150,000 and 1,249,999. Unmarked counts are exact. Text is reproduced from the public post preview and truncated for length.