7 Aug 2026, 18:05 UTC15 viewsread 7 August 2026 Photo
𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@dhiiriye
@Enjoy_boy1
@wadnojacayl
@LAMAANe24h
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@udhawoow_allaah
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoont
Signed Zaxiibka Nolosha
8 Jul 2026, 08:09 UTC277 views6 reactionsread 7 August 2026 ﴿ لِكَيْلَا تَأْسَوْا عَلَىٰ مَا فَاتَكُمْ ﴾
“Si aydnaan uga murugoon wixii idin dhaafay.”
Ma jirto fursad dhab ahaan kaa luntay. Wax kasta oo ku seegay, asal ahaan qaybtaada ma ahayn. Haddii aad dib u milicsato wax kasta oo aad rabtay balse aadan helin, waxaad ogaan lahayd in khayr badan uu ku jiray inaadan helin.
Mararka qaar badbaadadu waxay ku jirtaa in wax kaa tagaan.
Raxmadda Alle ee ku jirta wax kaa reebist…
👍3❤2🥰1
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
30 Jun 2026, 19:06 UTC330 views5 reactionsread 7 August 2026 Dayax Shan Iyo Toban Iyo
Daruur Curatay Baad Tahy
Deeq Ilaah Isiiyey'iyo
Dawlad Gaara Baad Tahy,
Daawadii Naftaydaay
Dabiibkii Qalbiga eey
Dunidaba Adoo Kale
Manaa Ku Doorsada,
Dadka Kaala Baxay oo
Keligaa Ku Doortoo
Duntaa iigu Kaa Xidhan
Dibnaahaaga Dhuxusha Ah,
Ilkahaaga Dabarka Leh
Wajigaaga Dahabka Ah
Dadka Waa Ku Keligaa.
❤4🥰1
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
13 May 2026, 09:49 UTC518 views4 reactionsread 7 August 2026 "Akhtar Jebiska Midabkiyo
Aqoontiyo Akhlaaq-diyo
Edebtiyo Xishood-kaba
Ilaahbaa U Dhaliyoo
Asal bay u leedahy."
❤3🔥1
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
22 Apr 2026, 20:01 UTC571 views6 reactionsread 7 August 2026 "Allihii Ku Uumee
Sidan Kuu Asteeyaa
Xamdi Iyo Ammaan Mudan
Indhihii Ku eegtee
Ku Ag-jooga Adigaa
Ayaan Iyo Nasiib Badan,
Ashqaraarka Midabkiyo
Aad-yar Socodka Muuqiyo
Edeb-tiyo Xishoodkaba
Astaan Baad U Tahy Oo
Adaa Lagugu Daydaa."
❤5🥰1
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
21 Apr 2026, 18:55 UTC544 views4 reactionsread 7 August 2026 🪻 Imaamu -Shaafici wuxuu kula Dardaarmay Ardaygiisii Rabiic Bin Suleymaan:
“Haddii Aad Rabto Hagaajinta Qalbigaaga, ama kan Wiilkaaga, ama Walaalkaa, ama Aad Rabto in uu Qof kasta Hagaago,
ku Dhex Beer Qur’aanka, kuna Dhex hay Saaxiibtinimada Qur’aanka.”
Xigasho
📚 [Xilyatul Awliyaa, waxaa Qoray Abuu Nucaym:
❤3👍1
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
18 Apr 2026, 13:09 UTC486 views5 reactionsread 7 August 2026 Xasuusin 💫
1. Haddii Suuratul-Faatiha ay tahay shifo.
2. Akhrinta Suuratul-Baqarah ay tahay barako.
3. Suuratul-Mulk ay tahay badbaado.
4. Suuradaha Al-Mu‘awwidhat (Falaq iyo Naas) ay yihiin gaashaan difaac ah.
5. Aayatul-Kursi ay tahay ilaalin ka dhan ah sharka iyo jinniyada.
6. Labada aayadood ee ugu dambeeya Suuratul-Baqarah ay yihiin kuwa ku filan qofka in ay ka difaacaan wax kasta oo dhib ah.
➡️ sidee bu…
❤4👍1
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
8 Mar 2026, 16:02 UTC633 views5 reactionsread 7 August 2026 Mararka qaarkood arrintu maaha in la helo waqti badan ama dheeraad ah, balse waa in Alle laga baryo inuu barakeeyo waqtigaa aynu haysanno.
Ducaddani waa codsi deggan, xoog badan oo ku sahabsan barakada: maaha oo keliya inta aan noolaanayno, balse waa sida XILIGAAS u noqoto mid macno leh, waxsoosaar iyo Alle-ka-cabsi leh.
Haddaba, waa inaad mar kasta ducaddan adeegsataa, si aad u noqoto mid guuleysta oo waqtigiisa iyo…
❤3👍2
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
26 Feb 2026, 19:48 UTC637 views4 reactionsread 7 August 2026 "Sida Damal Hadhwaynoo
Dacaladda U Fiday oo
Neecaw Dugsoon Iyo
Dabayshuna Ruxaysaad
Ii Deeqday Anigoo
Waan ku Deysanayaa,
Waan Ku Daawanaayaa
Dunidaba Adoo Kale
Manaa Ku Doorsada
Waan kuu Duceeyee
Rabigay Ku Derejee."
❤3🔥1
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
10 Dec 2025, 08:18 UTC890 views5 reactionsread 7 August 2026 Qof waliba wixii uu shaqaysto ayuu leeyahay adduun iyo aakhiro. Ninkii maanta ku mashquulsan muuqaallada aan macnaha lahayn dhagaysiga waxa aan macnaha lahayn, lama mid noqonaya, ninka maanta ka faa,iidaysanaya waqtigiisa ama Shariicada barashadeeda uga faa,iidaysanaya ama se Maadiga, intaan aakhiro lagaadhin ayay adduunka ku kala helayaan labada qofood abaal marintooda, qof waliba wixii uu shaqaysto ayuu natiijadeed…
❤4🔥1
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
4 Dec 2025, 07:44 UTC809 views7 reactionsread 7 August 2026 Haddaynu Muslim nahay, waxaanu qiimaynaa daacadnimada iyo hufnaanta. Rasuulku (scw) wuxuu yidhi: "عَلَيْكُمْ بِالصِّدْقِ فَإِنَّ الصِّدْقَ يَهْدِي إِلى الْبِرِّ وَإِنَّ الْبِرَّ يَهْدِي إِلى الْجَنَة". Aynu si cadaalad ah isula dhaqanno, inaga oo iska ilaalinayna falalka wax u dhimi kara ama khiyaanada ah.
Allaah ha nagu hanuuniyo wanaaga iyo daacadnimda.
Subax Wanaagsan
❤7
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
2 Dec 2025, 09:47 UTC737 viewsread 7 August 2026 .
Haddaad dembiyo isku og tahay, ha ka quusan naxariista Ilaahay. Ilaahay dunuubta oo dhan isagaa dhaafa. Waa dembi dhaafe naxariista.
{قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنفُسِهِمْ لا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ}.
Signed Cabdirahmaan cawil mahamed
Showing the 12 most recent of 21 posts we hold for @dhiirgelintaNolosha. View and reaction counts are the latest single reading for each post, not a live figure, and a recent post is still accumulating both. A view count marked ≈ was rounded by Telegram before we ever saw it — t.me prints views in full below 1,000 and to three significant figures above, so ≈1,200,000 means somewhere between 1,150,000 and 1,249,999. Unmarked counts are exact. Text is reproduced from the public post preview and truncated for length.